MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaatay kaarkiisii doorashada,wuxuuna ka qaatay Degmada Warta-nabada oo markii horaba uu iska diiwaan geliyay bilo ka hor xili ay soo dhawdahay doorashada.
Madaxweynaha ayaa hadalo kooban u jeediyay shacabkii iyagana qaadanayay kaararka doorashada wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in cid kasta xor u tahay inay wax doorato hadii ay rabtana ay iska dhaai karto oo aysan qasab ahayn inuu codeeyo.
“waxaan rabaa umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan cod-bixintii doorashadii 57 sano kadib xaqiiqo aan la dhinac mari karin waaye,Alle idinkiis waa la is dooranaa, dadka idin xukumaaya oo idiin talinaaya adinkaa dooranaya,kaad u bogtaana waad dooraneysaa kaan idinla qumaanina waad ka tageysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan
“waxan rabnaa markii ugu horeysay taariikhda in dad Soomaaliyeed rabitaanka dadka la xukumaayo lagu soo doortay,mid la soo magacaabay iyo mid reer hebel lagu keenay uu meesha ka baxo” ayuu mar kale yiri.
Madaxweynaha wuxuu shacabka xasuusiyay in khudbadihii musharixiinta uu ka mid ahaa doorashadii 2022-kii inay wada balan qaadeen in dalka ay gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah ,marka isaga la eegana doorashada hada ay diyaarinayaan ay qeyb ka tahay balan qaadkiisii
“Kaarka NIRA ee aqoonsiga Somalinimo waa qasab in la qaato laakiin kaarka doorashada waa qofka iyo rabitaankiisa,waana wanaagsan tahay in qofku doorto masuulka uu rabo inuu xukumo ” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Sidoo kale Madaxweyne Xasan wuxuu si dab ban ugu muujiyay shacabka inay isaga dib u doortaan markii uu adeegsaday ereyga ah qofkaad u bogtaan doorta isagoo ku tashanaya amniga uu Muqdisho wax badan ka qabtay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIIEL.COM




