HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo maanta kormeeray markabka sahanka shidaalka Somalia +SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo maanta kormeeray markabka sahanka shidaalka Somalia +SAWIRRO

Muqdisho, Juun 12, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalkaa xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.
“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 10 people, ambulance, newsroom and hospitalMay be an image of 12 people, people playing American football and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people and submarineMay be an image of 6 peopleMay be an image of 10 people, television and newsroomMay be an image of 12 people, people playing American football and textMay be an image of 2 people, submarine and oceanMay be an image of submarine and textMay be an image of text that says "O * RD 3 DIKKAT DİKKAT YUKSEK GERILİM H"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -