DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta booqasho ku tagaan Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wararka aan heylno ayaa sheegaya in Magaalad Dhuusa-mareeb looga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh oo arimo dhowr ah u tagaya Magaaladaasi.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha waxaa ka mid dar dar gelinta dgaaalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, doorashooyinka dalka iyo xarig jarka mashaariic dhowr ah oo laga hirgeliyay Galmudug sida dhismaha xarunta Baarlamaanka iyo dhismaha wadooyin.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Xasan booqan doono taliska ugu weyn ee ciidamada Xooga ay degan yihiin ,sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu furamaha dagaalka xataa booqan doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
