Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa maanta ka soo laabtay shir uu kaga qeybgalay dalka Itoobiya waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha wuxuu ku soo safray oo Muqdisho keentay markii ugu horeysay mudo 35-sanno kadib diyaarad ka diiwaangashan dalkeenna oo ku sumadeysan lanbarka 60-PAA.
Madaxweyne Xassan oo mar labaad Dalka Madaxweyne ka noqday ayaa ku guuleystay mudo xileedkiisa in diyaarad ka diiwaan gashan Somalia ay ka shaqa bilowdo dalka 35 sano kadib.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
