HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo maanta u dhoofaya Dalka Ciraaq iyo Shir uu kaga...

Madaxweyne Xassan oo maanta u dhoofaya Dalka Ciraaq iyo Shir uu kaga qeybgalayo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan sheekh ayaa maanta lagu wadaa inuu u dhoofo Dalka Ciraaq sio uu halkaasi kaga qeybgalo shir u dhexeeya Dalalka jaamacada Carabta.

Shirkaan ayaa la sheegay inuu beri furmayo, waxaana looga hadli doonaa dhowr arimood sida la dagaalanka kooxaha Daacish iyo Alshabaab iyo arimaha ka taagan marinka Gaza oo Yuhuudu xasuuq joogto ah ku heyso falastiiniyiinta.

Shirka waxaa aad loogu lafa guri doonaa baahiyaha amni,nolosha iyo colaada ee reer Gaza maanta heysata,inkastoo Carabtu waxay ka galaan ay iska yartahay.

Madaxweyne Xassan waxaa lagu wadaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda carbeed inta shirkaasi socdo islamarkaana uu ku sugan Magaalada Baqdaad ee xarunta Dalka Ciraaq.

Dhanka kale safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili xildhibaanadii ku kacsana Gudoomiyaha Baarlamaanka ay hada ku soo jeesteen Madaxweynaha oo ay ka dalbadeen inuu is casilo kadib warqad shalay ay soo wada saareen 103 xildhibaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -