HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirada Midowga Yurub iyo...

Madaxweyne Xassan oo maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirada Midowga Yurub iyo Holand+SAWIRRO

Muqdisho, Sebteembar 03, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay wadashaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhankooda, Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.

DHAMMAAD
Mohamed Dugoow,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office and text that says "허포 Mị 恵 EA"May be an image of 5 people, wedding and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -