HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo Madaxtooyada ku qaabilay Feer-yahanada Soomaaliya Ramla Cali +SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo Madaxtooyada ku qaabilay Feer-yahanada Soomaaliya Ramla Cali +SAWIRRO

Muqdisho, Sebteembar 20, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Mohamed Dugoow,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 2 people and headscarfMay be an image of 3 people and wedding

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -