HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo magacaabay La taliyihiisa dhanka Amniga Qaranka

Madaxweyne Xassan oo magacaabay La taliyihiisa dhanka Amniga Qaranka

Muqdisho, Ogostoo 06, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.
Danjire Aweys waxa uu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
• Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.
•Hoggaaminta wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.
•Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga (2023–2025), isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 1 person, dais and text that says "AWES HAGI YUSUF AHMED LA-TALIYAHA AMNIGA QARANKA"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -