Jabuuti, Maarso 11, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa salka ku haysa aragti wadaag ku saleysan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmi doona, dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka arrinsan doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Jamhuuriyadood.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya








WAAXAAS AYAA BAHDAL LA YIRAAHDAA NIN MADXWEEYNE SHEEGANAAYO NIN WASIIR –
_SOO DHAWEEEYNAAYO WALIGIISA LA MAQLIN LAMANA ARAG WAA GII DOWLDDA KACAANKA RUNTA HADAAN ISKU SHEEG NO SIYAAD BARRE ALLAAY ARXAM CARAB iyo CAJAM
Ba UGUMA SOO DEG DEGI JIRIN WASIIRO IYO WAX LA MID AHBA KAWAANO QAADO SIDA –
LA YEELAY SHEEKH SAAYID BIN SULDAAN HADOW GAROONKA KA WAAYA>Y WUXUU YIRAY MACSALAAMA EE NIN WASIIR ISKU DARAJO MA NIHI: IN LABARAYAY AYAA
MADAXWEEYNAHA AAYRIBOORKA UGU YIMID OO BARYAY WAA SIIDAAS;