Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayay inuu maanta Magaalada Muqdisho uga qeybgalay doorashada Golaha deegaanka.“
Waxaan maanta habka danabeysan (Online) uga qeyb galay doorasho hoosaadka Golaha Deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP)” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Madaxweyne Xasan wuxuu iintaasi ku daray in tallaabadan ay billow u tahay nidaamka xisbiyeynta siyaasadda dalka iyo dimoqraadiyadda go’aan gaarista xisbiga dhexdiisa,
“Waxaan ku boorinayaa xubnaha ururka ee Gobolka Banaadir inay ka qeyb qaataan codeynta danabeysan, ayna go’aanna ka gaaraan xubnaha Musharaxiinta ee ku matalaya doorashada Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir”ayuu yiri Madaxweyne Xasan




