HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo u hambalyeeyey Xulka Qaranka Kubada cagta Somalia

Madaxweyne Xassan oo u hambalyeeyey Xulka Qaranka Kubada cagta Somalia

May be an image of football, basketball and text
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa |Facebook wuxuu soo dhigay qoraal uu si rasmi ah ugu hambalyeynayo Xulka kubada Cagta Somalia oo Caawa u soo baxay wareega xiga ee is reeb reebka  tartanka AFCON 2027 kadib markii ay caawa ka adkaadeen dhigooda Dalka Mauritius.
Qoraalka Madaxweynaha oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo guul taariikhi ah ka gaaray isreeb-reebka tartanka AFCON 2027, kaddib markii ay adkaadeen dhiggooda Xulka Dalka Mauritius, isla markaana ay taariikhda markii ugu horreysay u soo gudbeen isreeb-reebka heerka guruubyada ee tartanka.
Ciyaartoydeenna halyeeyada ah, macallimiinta qaaliga ah iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed, waxa ay muujiyeen dadaal, geesinimo iyo waddaniyad sare oo farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Guushani, waxa ay caddeyn u tahay kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, waana tallaabo dhiirrigelin u ah horumarka ciyaaraha dalka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.
Hambalyo halyeeyada aan ku faanoow.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -