ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw lagu wadaa inuu u safro Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya xili uu Qahira ka soo laabtay saacado ka hor.
Madaxweynaha ayaa shirka Midowga Afrika kaga qeybgalaya Adis-ababa iyadoona qorsuhu yahay inuu shirka khud-bad ka jeediyo islamarkaana uu kaga hadlo xaalada guu ee Afrika gaar ahaan xaalada Somalia sida faragelinta israa’iil ku soo sameysay arinta Soomaaliya.
Safarka Madaxweyne Xasan ee ka qeybgalka Shirka midowga Afrika wuxuu ku soo aadaya xili shalay Somalia loo doortay inay xubin ka noqoto Golaha Amaanka Midowga Afrika oo ay hore ugu jirin taasoo Dowladnimada Somalia ee xiligaan guul u ah sida ay qabaan quburada siyaasada taxliilisa.
Dhanka kale waxaa maanta dib u dhacay shirkii la hadal hayay inuu Madaxtooyada Somalia uga bilowdo Mucaaradka iyo Dowlada sababo badan oo is biirsaday ,sida in wali mucaaradka qaarkood diidan yihiin in Madaxtooyada shirku ka dhaco iyo in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradku dalka ka maqan yihiin.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMFo
