MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliyav Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw oo barqanimadaan ah wuxuu ubax dhigay  Taaladda SYL.
Maanta oo ku beegan 15-ka May ayaa ah maalintii la aas aasay dhalinyardii Soomaaliyeed ee horseeday xornimasa Soomalaiya ee SYL.
Sanadka kasta 15-ka May maanta oo kale ayaa loo dabaal degaa xuska maalinta dhalinyarada Soomalaiyeed.
Masuuliyiin Dowlada ka tirsan ayaa ka qeybgalay munaasabada ka socota dhismaha Taalada SYL oo aad ugu dhaw Madaxtooyada Qaranka,waxaana ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Muungaab iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Yabooh.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
