HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo ugu danbeyn la shaaciyay xiliga uu Laascaanood tagayo

Madaxweyne Xassan oo ugu danbeyn la shaaciyay xiliga uu Laascaanood tagayo

Ka dib dhowr bilood oo muran uu ku jirey tagista Madaxweynaha Somalia ee Magaalada Laaas-caanood ayaa ugu danbeyn la shaaciyay inuu Khamiista u anbabixi doono Magaaladaasi isaga iyo wafdi uu horkacayo.
Madaxweyne Xasan ayaa ujeedkiisa ugu weyn ee Magaalada Laas-caanood waxay tahay inuu ka qeybgalo caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Somalia C/qaadir Aw-cali Firdhiye oo aan wali loo sameyn munaasabada caleema saarka tan iyo markii dhowr bilood ka hor loo doortay xilkaasi.
Amaanka Magaalada Laas-caanood ayaa lagu wadaa in si weyn loo adkeeyo madaama uu Madaxweynaha Somalia tagayo halkaasi lagana yaabo inuu laba maalin joogo hadii rabi idmo isaga, wasiirada iyo xildhibaanada raaci doona.
Sidoo kale ciidamo ka tirsan koofiya casta ilaalada u ah Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay madaxweynaha uga hor maraan Magaalada Laas-caanood ee Xarunta maamulka Waqooyi Bari si ay amniga u sii xaqiijiyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -