HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo wada tashi siyaasadeed la yeeshay Amiirka Dalka Qatar

Madaxweyne Xassan oo wada tashi siyaasadeed la yeeshay Amiirka Dalka Qatar

Muqdisho, Diseembar 27, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of text that says "MADANTOOYADA CANAA እሰባደያ FALERLLMA HHLSHEKATAMIMBINHAMADALTHAN H.H. SHEIKH TAMIM BIN HAMAD AL THANI AMIR THE STATE OF QA QATAR H.E. HASSAN H.E.HASSANSHEIKHMOHAMUD SHEIKH MOHAMUD PRESIDENT TO THE FEDERAL FEDERALREPUBLI REPUBLIC FEDERALREPUBLICOFSOMALIA OF SOMALIA @TheVillaSoralia meda@presidency.gow.so wwww.viliasomalia.govso"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -