HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay sideed Safiir

Madaxweyne Xassan oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay sideed Safiir

Muqdisho, Agoosto 05, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.
Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.
Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah:
•⁠ ⁠Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya
•⁠ ⁠Robert Ifriyie – Safiirka Ghana
•⁠ ⁠Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast
•⁠ ⁠Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico
•⁠ ⁠Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela
•⁠ ⁠Kang Hyundshik – Safiirka Korea
•⁠ ⁠Hussein Deh – Safiirka Mauritania
•⁠ ⁠Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 2 people, the Oval Office and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 2 people, dais and the Oval Office
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -