Sida aan ku heleyno warar hoose ayaa sheegaya in wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdiga ayaa iskugu jira Saraakiil, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale ayey ka kooban yihiin wafdiga gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Advertisement

Sidoo kale, Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada madaxtooyada ayaa laga dajiyay halkaasi kuwaasoo xaqiijin doono amniga xarunta uu dagayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo beri oo Jimco ah ku wajahan Dhuusamareeb.

Kadib marki uu horey ugu sugnaaa Taliyaha nabad sugida Somalia Mahad Salaad oo Gogolxaar u ahaa safarka Madaxweynaha ayaa maalmahanba ku sugnaa isla magaaladaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Xassan Shiikh lagu wado inuu beri Dhuusamareeb kaga dhawaaqo wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya degaano ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle.

Sikastaba ha ahaate madaxweyne Xassan Shiikh ayaa mudooyinkan soo socda ku sugnaan doona magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo u noqon doonta talis dhexe oo uu ka hogaamiyo dagaallka.

– 
Previous articleWararkii ugu dambeeyay dagaalka Itoobiya oo ku sii fiday deegaano hor leh
Next articleNiger: Madaxweyne Maxamed Bazoum oo Mareykanka ugu baaqay in la caawiyo afgambigii ka dib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here