MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh oo bisha September kaga qeybgeli doona shirweynaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa waxaa heysata laba daran mid dooro madaama asbuucaan uu laba kulan oo xasaasi ah la kala yeeshay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Dalka Sudan iyo Wasiiru-Dowlaha arimaha dibada Imaaraadka Carabta.
Dowlada Sudan waxaa la hadal hayaa inay Dowlada Somalia ka rabto garab istaag shirka Qarmada Midoobe madaama Somalia xubin aan joogta ahayn ay ka tahay Qaranada Midoobe halka Imaaraadku doonayo inuu ka hortago madaama ay yihiin Dal dhaqaale badan heysta.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan ay heysato laba daran mid dooro sida inuu garab istaag u muujiyo Dalka Sudan oo ka cabanaya faragelin uu ku hayo Imaraadka inkastoo iyaga laftigoodu garab ka heystaan Turkey islamarkaana ay dagaalka hada ku gacan sareeyaan.
Su’aasha taagan ayaa ah Madaxweyne Xassan ma wuxuu garab istaag u muujin doonaa Dalka Sudan mise wuxuu ka qaadan doona mowqi dhex dhexaadnimo si uu ilaashado dhaqaalaha imaaraadka ay hesho Dowlada walow bilahaan danbe uu mad-madow soo kala dhex-galay.
Kulamadaan Muqdisho ka dhacay ayaa ku soo aadaya xili shirka QM waxyabaha looga hadlayo ay ka mid taha dagaalada ka socda Suudaan oo u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo Kooxda RSF, sidoo kalana shirkaani wuxuu ku soo aadayaa xili Soomaaliya oo sanadkaan xubin aan joogta aheyn ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
