Muqdisho (dayniiile.com)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si gaar ah uga hadlay xaalada cimilada El-nimo gaar ahaan roobabka daadadka wata ee dhibaatooyinka gaystay.
Madaxweynaha oo muuqaal laga duubay ayaa sheegay inuu usoo hor fariistay Soomaali sidii uu ula wadaagi lahaa dhibaatada ka dhalatay fatahadaha iyo roobabka.
“walaalayaal Dalkeena maanta xaalad gaara ayuu ku sugan yahay,dalkeena waxaa maanta saameeyay fatahada dhamaan dalkoo dhan ha u kala darnaadaane”ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan wuxuu xusay in 16  sano Alshabaab dul saar-naayeen shacabka Soomaaliyeed islamarkaana u diideen beerahoodii ,kana qaateen xoolahoodii, wuxuu intaas ku daray in  tii alshabaab ay ku darsoontay roobabka iyo fatahaadaha,
Madaxweyne Xasan oo ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay Roobabka ayaa sheegay 2.5 Milyan ruux ay si toos saameyn ugu yeesheen roobabka.
“waxaa dhimatay inta la diiwaan geliyay 101 ruux,waxaa barakacay in ka badan hal milyan ruux,sidoo kale waxaa bakhtiyay 4kun neef oo isugu jira ari,geel iyo lo,sidoo kale  waxaa bur burey 140,000 guri, ha ahaado dhagax,ha ahaado jiingad iyo buush buush”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Buundooyinkii ayaa bur burey sida Buu-rdhuubo iyo Luuq halka inta kalana ay biyuhu ka kor mareen,halisna ugu jiraan inay iyaguna dumaan sida uu madaxweynuhu sheegay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wuxuu intaan ku daray inay gudi cusub magacaabeen kuwaasoo isugu jira Wasiiro,Culumaa’udin iyo Ganacsato,
“gudigaan waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay wixii la helo u gaarsiin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee dhibateysan”ayuu  yiri Madaxweynaha
“Dowladu inta karaankeeda ah wixii kaalmo ah way gaarsiineysaa dadkeena”ayuu yiri mar kale Madaxweyne Xasan.
BAAQ SOOMAALI WEYN OO DHAN KU SOCDA
Madaxweyne Xasan wuxuu ugu baaqay Soomaalida oo dhan gaar ahan qurba joogta,ganacsatada iyo qof kasta oo Allle wax siiyay inay wixii ay awoodo uga qeyb qaadato gurmadka loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed ee baahida iyo qabowgu isugu darsoomay.
“maanta Soomaali oo dhan waa inay isu gurmato intii la karo waxa noogu muhiimsan waa inaan naf bad-baadinaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray inuu shisheeye u yeerto wuxuuna carabkiisa ku adkeeyay in Soomaalida dhexdeeda ay is caawiso.
“walaalayaal qof kasta waxa ugu yar uma yara waxa ugu badana kuma badna walaalaheen dhibaateysan aan furno jeebabka aan furna akoonada”ayuu yiri Xasan Sheekh
“walaalayaal Alle ayaa ajir idinka siinaya aan dhamaanteen is caawino qof kasta waxay awoodo yeysan  yareysan aan bad baadino walaalaheen maanta dhibaateysan”ayuu yiri Madaxweyne Xassan.
“DOWLAD IYO SHACAB DAL IYO DIBAD AAN KU MIDOWNO INAN NAF BADBAADINO”AYUU MAR KALE YIRI MADAXWEYNAHA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleXamze Cabdi-Barre “Puntland waa curudka Madasha Qaran mana aha meel si fudu looga talaabsan karo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here