Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gaara la qaatay saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo kuwa Qaranka kaasoo looga hadlay xaaladihii ugu dabeeyay dagaalada Alshabaab kala dhexeeya.
Shirkaan waxaa intiisa badan diirada lagu saaray dar dar gelinta Howlgalada ka dhanka ah Alshabaabka ku sugan qaybo ka mid ah Galmudug halkaasoo dagaalana ay ka socdaan.
Shirkaan ayaa si weyn loogu so dhaweeyay guulihii ay ciidamadu ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyay gaar ahaan kluwii ka dhacay deegaano ka mida Gobolka Mudug oo alshabaab looga saaray degmada Bacaadweyne iyo deegaanada hoos taga .
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa tilmaamay si xun alshabaab loogu jabiyay Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay.
“waxaan u farayaa Ciidamada in ay sii laba jibaaran sifaynta Khawarijta”ayuu yiri Cali Ciid Madaxweyne xigeenka Galmudug.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM














