Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta Ciidamada macawisleyda wuxuu kula hadlay deegaanka Hareeri Madoobe ee Gobolka Hiiraan.
Daba-geed wuxuu ciidamada Macawisleyda ugu horeyn soo gaarsiiyay salaan uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh isagoona ku booriyay inay u diyaar garoobaan dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab.
Sidoo kale Yuusuf Daba-geed wuxuu xasuusiyay Ciidamada dhibaatadii lagu qabay markii ay Alshabab-ku haysteen deegaanka Hareeri-Madoobe iyo deegaanada kale.
“waad ogtihiin waxay na gaarsiiyeen in anagoo isla dhalanay aan isku iman weyno,wiil iyo aabihiis isku iman waayaan,Masaajidii aan qiyaar u noqon wayno,danaheena gaarka ah qiyaar u noqon waynay”ayuu yiri Madaxweyne Xigeenka Hirshabelle.
“baaqii ugu horeeyay ee Madaxweyne Xasan jeediyay waxaa tihiin nimankii ugu horeeyay ee ka jawaabay“ ayuu mar kale yiri Madaxweyne xigeenka Hirshabelle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM