Jowhar: 19, Oktoober, 2023: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweyne Ku Xigeenka oo mudooyinka Gobolka Hiiraan u joogay abaabul ka dhan ah kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda ayaa bogaadiyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isagoo xusay in mudooyinkaan uu ku howlanaa dardargalinta dagaalka lagula jiro khawaarijta ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan is xog wareysi ku qaatay aqalka Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
May be an image of 10 people and suit
May be an image of 10 people and suit
May be an image of 3 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, beard and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 12 people and daisNo photo description available.May be an image of 2 people and dais
Previous articleCali Guud-laawe oo Jowhar xariga kaga jaray Bangiga dhexe fariciisa Hirshabelle+Sawirro
Next articleMaxay ka wada hadleen Wasiirka Cadaalada iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here