Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden oo wareysi siiyay BBC laanteeda afka Somaliga ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ay ka waddo abaaul ay maamul ugu sameynayso deegaannada Jubaland madaama ay isku dhacsan yihiin Maamulka Junaland ee Kismaayo xaruntu u tahay.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in Garbahaarey ay joogaan howl-wadeenno ay dowladdu soo dirtay isla markaana magaalada ku dhejinayaan boorar ka turjumaya maamulka la doonayo in halkaa laga yagleelo
“waxaan ka walaacsanahay kana digeynaa arin laga abaabulayo Magaalada Garbahaareey oo kooxda Villa Somalia oo qorshe guracan Gobolkaan ka leh ,haedana ay rabaan inay yiraahdaan wax maamul ku sheeg ah oo ummada ay ku qaldayan,reer Jubaland-na ku kala qeybinayaan,shuruucdii dalkoo dhana ay ku laalayaan oo ay yiraahdaan waxaan maamul ka ka sameyneynaa garbahaareey”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan
Masuulkaani wuxuu intaasi ku daray inay la socdaan dadka Dowladu garbahaareey u soo dirtay kuwaasoo boorar iyo sawiro dhajinaya iyagoo leh wufuud baa imeeneysa iyo maamul baan sameyneynaa.
“Jubaland waa 13 jirsatay waana state xubin ka ah Dowlada Faderaalka Somalia, Dastuur leh,baarlamaan leh, xarun leh, marka xad-gudubka nuucaasi ah ee lagu qaldayo caalamka iyo Soomaalida, lagu qaladayo ayaan ka digeynaa”ayuu yiri Maxamudu Sayid Aadan
“waxaan ka digeynaa oo marqaati kaga dhigeynaa Caalamka cawaaqibka ka dhalan kara talaabada Dowladu qaadeyso”ayuu mar kale yiri Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland oo u waramayay BBC laanteda Afka Somaliga
Mar BBC-du wax ka weydiisay sida ay ku ogaadeen qorshaha uu sheegay inay Dowladu ku howlan tahay ayuu sheegay inaysan ahayn wax qarsoon islamarkaana sababtii Dowladu ugu soo duushay Gedo ayba ahayd inay talaabadaan qaadaan sida uu warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM![]()
