GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor ayaa si kulul uga hadlay siyaasada Madaxweyne Xasan ku hogaamiyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya isagoo ugu horeyn ka digay in sida hada wax ku socdaan hadii aan wax laga badalin in dalku dib ugu laaban doono xiligii burburkii dowladdii dhexe ee 1991 waa sida uu warka u dhigay.
Luga-toor wuxuu xusay in labadii jeer ee Xassan ku guuleystay ama fursada u helay inuu dalka hogaamiyo uu dalka dib u celiyay, Madaxweyne xigeenka wuxuu ka digay in hadii aan Dowladnimada la bad baadin xaaladu gaari doonto in Maamul Goboleedyadu gooni u goosad noqon doonaan sida reer Somaliland u goosteen 1991-dii.
“waxaan walaac ka qabnaa jidaha Soomaaliya ku socoto hada waxay mareysaa in kheyraadka qaranku noqday aalad lagu ciqaabo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada”ayuu yiri Ilyaas Luga-toor
“Maanta dowladnimada Soomaaliya waxay u muuqataa mid u sii jiheysanaysa aragtida gooni-isu-taagga ee Somaliland ku dhawaaqday sannadkii 1991,
Sidoo kale Luga-toor wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntlan weli ku taagan tahay difaaca nidaamka federaalka oo sida uu sheegay hore tacab badan kaga baxay
“waxaan soo jeedineynaa inay muhiim tahay in la helo Dowladnimo kheyaadkeeda loo siman yahay” ayuu yiri Luga-toor
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
