GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne Xigeenka Maamulka  Puntland Axmed Cusmaan Karaash  ayaa  weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha  puntland Saciid C/llaahi Dani.

Wuxuu ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye aan ogoleyn inuu la tashto dadka wax galka u ah reer Puntland.

Advertisement

“Madaxweyne Saciid Dani wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil”ayuu yiri ku yiri  Axmed Karaash.qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Madaxweyne xigeenku wuxuu Saciid C/llaahi Dani uga digay  qaadista talaabo aan heshiis lagu ahayn.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho”ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleHowlgal ka dhan ah Alshabaab oo laga fuliyay Gobolka Bakool
Next articleShirkii Baarlamaanka Puntland oo buuq iyo fowdo lagu kala tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here