LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Hoggaamiye ku xigeenka Dowladda SSC-khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) ayaa si kulul uga hadlay qadiyada a taagan Hayland iyo Sanaag taasoo u dhexeysa Maamulada SSC Khaatumo iyo Maakhir.
Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) wuxuu ka digay in faragelin ay ka timaado iyo dibada isagoo ula jeeda Puntland iyo faderaalku inay soo farageliyaan,wuxuu carabka ku adkeeyay inay iyagu isku filan yihiin oo ay xalisan karaan arimahooda.
Shaiga masuulkaani ka qabo in faragelin ay ka timaado dibada iyo gudaha ayaa timid markii Dowlada Somalia soo jeedisay ama gudi u saartay in la mideeyo Maakhir iyo SSC Khaatumo oo reer Maakhir soo raacaan maamulka ay Dowladu aqoonsan tahay ee SSC Khaatumo.
“waxaan ka digeyna in Sanaag iyo Heyland talo aan lagu mideysneyn la iskugu dayo in loogu soo daro Khaatumo, waxay sababi kartaa tallaabadaasi khilaaf dheeraada iyo colaad soo kala dhex gasha bulshooyinka SSC iyo MAAKHIR,”ayuu yiri Hogaamiye ku xigeenka SSC KHaatumo.
“Sida aan wax u wadaagayno iyo waxaan wada yeelanayno waa in laga wada tashtaa waxaan si gaar ah uga digeynaa in qaddiyaddaas la sawir xumeeyo oo bulshada walaaleheena aan fursad lasiin”ayuu yiri mar kale Hogaamiye ku xigeenka
Dhanka kale wuxuu xusay inay iyagu marna aqbali doonin in dadka deegaanada Sanaag iyo Haylaan go’aankooda la afduubto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM