Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladd Goboleedka Jubaland, Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (luga-dheere) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay maalmahii u dambeeyay.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid ku xigeenkiisii labaad oo mudo la soo shaqeeyay allaha u naxariistee.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, bulshada Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladda Jubaland, Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud” ayuu yiri Axmed Madoobe
“Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada,wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, kuna dadaalayay in uu dadka isu keeno.” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubaland wuxuu Allah uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskii, ehelkii, bulshada reer Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
