HomeWarkiiMadaxweyne xigeenkii hore ee Kenya oo maanta Nairobi ku soo wajahan xili...

Madaxweyne xigeenkii hore ee Kenya oo maanta Nairobi ku soo wajahan xili laga cabsi qabo in xabsiga loo taxabo.

Madaxweyne ku xiigeenkii hore ee dalka kenya Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inuu maanta duhuradii dib ugu soo laabto caasimda dalkiisa ee Kenya xili laga cabsi qabo in Dowladu xabsiga dhigto.
Siyaasigaan ayaa dhawaan dalka Mareykanka ka sheegay in Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto uu xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab ee Somalia iyo dalalka dariska la ahba ka dagaalanta,wuxuu intaasi ku daray inuu Mandera kula kulmay saraakiil Alshabaab ah oo uu kala hadlay arimo ganacsi.
Eedeyntaani oo ah mid u culus ayaa dadka siyaasada taxliiliya waxay durba sheegeen in warkaasi uu suurtagal ka dhigi karo in Dowlada Kenta xirto masuulkaani si wax looga weydiiyo hadalada uu shaaciyay  ee ah in Ruto xiriir la leeyahay Alshabaab.
Sidoo kale Dowlada ayaa la sheegay inay ka dalbatay Madaxweyne ku xigeenkii hore Gachagua inuu cadeyn la yimaado, si kastaba lama oga in Dowlada Kenya ku dhiiran karto inay siyaasiga xiraan iyo inkale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -