MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha amaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Daroogo noocyo kala duwan ah oo si qarsoodi la doonayay in dalka loo soo geliyo.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga oo garoonka Aadan Cadde oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay la qabto 189 Kartoon oo ay ku jireen daroogo sida kaniinayaal dalka mamnuuc ka ah. 
