Macamed C/laahi Farmaajo oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo shigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay gogosha uu dhigay Maamulka Puntland ee looga tasman doono xaalada Somalia sida wax ka badalka Dastuurka.

Shirkaasi oo Garowe ka dhici doona waxaa shir gudoomin doona Madaxweyjaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu u dhexeeya Dowlada,maamul Goboleedyada iyo Madaxdii hore ee Dalka.

Advertisement

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Farmaajo uu ku soo dhaweeyay shirkaasi isla markaana uu ku muujiyay inuu ka qeybgalaayo  oo sidiisa u qoran:-

Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado.

Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.

Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.

Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.

Previous articleXildhibaanada oo Saaka kulan leh iyo Wasiiradii cusbaa oo la dhaarinayo
Next articleDeegaan hor leh oo Alshabaab laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here