MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho isagoona ka soo degay Garoonka diyaaradaha Adan Abdule international Airport halkaasoo ay kaga hortageen xildhibaano iyo asxaabtiisa.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka yimid dalka Turkiga halkaasoo uu waqtitadaan danbe ku sugnaa, masuulkaan oo hami kale leh inuu mar kale u tartamo xilka Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu dhaq dhaqaaq ka bilaabo Caasimada Muqdisho.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga bilaabo Muqdisho ololihiisa doorashada madaxtinimada ee soo socota, iyadoona ugu horeyn laga sugayo inuu si rasmi ah u shaaciyo inuu yahay Musharax Madaxweyne.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
