HomeWarkiiTaliyihii Muqdisho ka nadiifiyay Ciyaal weerada oo xilka laga qaaday, mid...

Taliyihii Muqdisho ka nadiifiyay Ciyaal weerada oo xilka laga qaaday, mid cusubna loo magacaabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 23-aad ee Booliis Melitaaro, Aadan Jeelle kaasoo lagu xasuusto Muqdisho inuu ka nadiifiyay ciyaal weeraradii reer Muqdisho xitaa masaajida ay ka aadi waayeen,sidoo kalana amniga Muqdisho inuu qeyb weyn ku lahaa ayaa lagu xasuusan doonaa.

Taliyiha Guutada 23-aad ee Booliis Melitaaro waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cusmaan Jimcaale kaasoo lagu wado inuu saacadaha soo socda xilka si rasi ah ula wareego si uu shaqadiisa u guda galo.
Xogta aan ka helnay sababta xilka looga qaaday ayaa ah inuu Taliyiha xilka laga qaaday hore u diiday  inuu qeyb ka noqdo weerarkii Dowladu ku qaaday bishii hore guryaha Madaxweynihii hore Shariif iyo Ra’iisulwasaarihii hore Khayre.
Ciidamada Booliis Milataaro wwxay si weyn uga howlgalaan daafaha Magaalada Muqdisho iyagoona halkaas ka ilaaliya Amniga Muqdisho oo Dowladu juhdi badan gelisay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -