BARIIRE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Somalia ay xalay ka sameeyeen howlgal qorsheysan kaasoo lagu dilay saraaiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen kumaandooska Danab ayaa lagu dilay saraal sare oo Alshabaab ka tirsanaa kaasoo ahaa Madaxii Miinooyinka u qaabilsanaa Gobolka Shabeelaha hoose iyo waliba maleeshiyaad kale.
Deegaanka Bariire ayaa lagu dilay sarkaalkaani iyo maleeshiyaadka la socday kuwaasoo isu geyn tiradooda lagu sheegay 7 ruux ,waxaana sidoo kale lagu burburiyay howlgalka godad ay dhueysyo ka dhigan jireen kooxda Alshabaab.
Kooxda la weeraray Alshabaab ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weeraro ay ku soo qaadaan ciidamada Dowlada ka hor inta aysan ka hortagin kumaandooska Danab.
Howlgalkaani ayaa ku soo aadaya xili sidaan oo kale isla kumaandooska Danab ay howlgal ka fuliyeen deegaanada Jubaaland gaar ahaan nawaaxiga Buulo-Xaaji halkaasoo alshabaab badan ay ku dileen kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 37 ay saraakiil ku jiraan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
