Xili lagu waday in uu Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada uu ka furmo shirkii Maamul goleedyada ee lagu balansanaa saacadihii ka soo dhaafay in uu ka furmo Muqdisho, ayaa Waxaa soo baxaya baaqyo ka imaanayo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.

 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland shuruudo ku xireen imaanshaha magaalada Muqdisho iyo in ay ka qeyb galaan shirkan uu iclaamiyay Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa  dalbaday in shirka lagu qabto xarunta Xalane. ,maadaama Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uusan awood u lahyn in uu Villa Somaliya ku qaabilo Madax.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa sidoo kale shuruud uga adhigay ka qeyb galka shirka Muqdisho in wakiilo katirsan Beesha Caalamka goobjoog ka noqdaan shirka si ay u helaan damaanad qaad buuxa.

 

Office Nairobi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here