HomeWarkiiMagaalada Boorama oo Caawa ku hooyanaysa xiisad wali taagan iyo dhimashada oo...

Magaalada Boorama oo Caawa ku hooyanaysa xiisad wali taagan iyo dhimashada oo sii kordheysa

BOORAMA (DAYNIILE.COM)-Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Maamulka Somaliland waxaa ka socday habeenkii labaad kacdoonkii shacabka ee rabshadaha watay kaasoo maanta sababay in ciidamada booliisku adeegsadaan rasaas nool nool, ayna ka dhashaan khasaare nafeed oo shacabka soo gaaray.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in reer Boorame u muuqdaan inay caawa ku hooyanayaan iyadoo wali xiisadii taagan tahay islamarkaana wali Magaalada isku eryanayaan shacabka iyo ciidamada Booliiska.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in dhimashada shacabka ay gaartay ilaa 5 ruux halka dhawaacyaduna 20 ku sii dhaw yihiin.

Isbitaalada waxa maanta buux dhaaiyay dhaawacyada iyo dadka booqanayay isbitaalada iyadoo saacadihii ugu danbeeyay uu hadlay Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro kaasoo sheegay in lala xisaabtami doono dadka ka danbeya dhibaatada shacabka soo gaartay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -