wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay ciidamo maleeshiyo beeleed deegaanka ah, kuwaa oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab.

Inkastoo Maleeshiyada iyo hubkooda  lagu soo bandhigay fagaare kuyaalla magaalada Caabudwaaq, waxa ayna sheegeen ciidankan deegaanka in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka Al Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug.

Advertisement

Sidoo kale Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab dagaal kala dhaxeeyo ayna ka qeyb noqonayaan dhameystirka kooxdaasi.

Sikastaba ha ahaaate dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabulka howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab lana doonayo in Galmudug looga sifeeyo, waxaana howlgalkan qeyb ka noqonaya ciidanka beelaha dega Galmudug.

Previous articleShirka Xisbiga haya Talada Somaliland oo maanta lasoo gabagabeynayo
Next articleMudo 16 maalin ah madaxweyne HSM Waxuu ku sugnaa Magaalada dhuusamareeb waxaa socday dadaalo ku aadan qaabkii loo wajihi lahaa xoreynta Deegaanada Galmudugta/Bari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here