Duleeedka Waqooyi ee Magaalada Kismaayo waxaa saacadihii ugu danbeeyay lagu gubay 5 kun raashin ah oo waqtigoodu dhamaaday markii ay bahalo galeen.

Munaasabada lagu gubaayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Jubaland  ,Gudoomiye xigeenka Magaalada Kismaayo iyo Gudoomiye xigeenka Shirkada taya dhowrka Jubaland.

Advertisement

Gudoomiye Xigeenka taya-dhowrka Maxamed axmed nuur  oo ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in markii la is barbar dhigay tayada  iyo raashinka waxaa la isku raacay in la gubo.

Maxamed Axmed Nuur wuxuu aad u amaanay ganacsatada reer Jubaland oo uu sheegay inay iyagu soo sheegeen raashinkaan in lala eego kadibna la arkay inuu halaabay.

“waxaa imaan doonta isla xisaabtan waxaan leeyahay Ganacsatada nin walbow taxadar ka muuji waxa aad dadkaada raashin ahaan ugu keeneysaan”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Taya-dhowrka

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ayaa  isna goobta ka hadlay wuxuuna shegay in raashinkaan Ganacsatadu keeneen Kismaayo isagoo fiican laakiin markii uu mudo ku jiray bakhaarada raashinka lagu keydiyo.

“raashinka waxaa galay bahalo markii uu mudo bkhaarada ku jirey sidaas daraaadeed meel fagaare ah ayaan ku gubnay”ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

 

Previous articleC/casiis Lafta-gareen oo ka dalbaday kenya.Itobiya iyo Jabuti inay ka caawiyaan dagaalka Alshabaab.
Next articleTaliyaha Ciidamada Lugta oo booqday furimaha dagaalka+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here