Magaalada London xarunta Ingiriiska waxa ay gashay saacado mashquul ah oo waxaa dalkaas kusii qulqulaya Madaxda ka qaybgaleysa aaska loo sameynayo (Queen Elizabeth II) oo 70-sano maamulaysan Britain.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo kamid ah martida lagu casuumay ka qaybgalka Aaska ayaa gaaray Magaalada London, waxa uu la kulmayaa Boqorka cusub ee Taajka ka dhaxlay Hooyadiis Queen Elizabeth ee Charles III.

Madax kala duwan ayaa maanta tageysa Magaalada London, waxaa la joojiyay dhammaan waxyaabaha saxmadda ama mashquulka badan gelinaya Magaaladaan lagu sagootinayo boqorrada waqtiga dheer maamulaysay.

Waxaa la joojiyay dhammaan Cayaaraha maanta ka dhici lahaa Magaalada London sida Kubadda Cagta, Kolayga & kuwa kale ee laga dheelo dalkaas, halka la fasaxay goobaha waxbarashada.

Booliiskii ugu badnaa ayaa la geeyay Garoomada, goobta aaska loo asteeyay meelaha loo qorsheeyay in la dejiyo Madaxda duugta boqoraddii Ingiriiska ee ku geeriyootay 96da sano ee Queen Elizabeth II.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here