MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Saaka Magaalada Muqdisho ka socda isu soo bax shacabku isugu tageen garoonka weyn ee Stadium Muqdisho kaasoo looga soo horjeedo damaca Israa’iil iyo ku xad-gudubkooda madax banaanida Soomaaliya kadib markii 26-kii bishaan Natenyahu uu ku dhawaaqay inuu Dal ahaan u aqoosaday Maamulka Somaliland.
Shacab badan ayaa isugu yimid garoonka ciyaraha Muqdisho Stadium halkaasoo lagu wado inay madax Dowlada ka tirsan ka khudbeeyaan sidoo kale qeybaha bulshada ayaa ka hadli doona,guud ahaan goobihii waxbarashada ayaa saaka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan banaan baxa.
Guddoomiyaha Degmada Shangaani Marwo Safiya oo u warameysay warbaahinta Dowlada iyadoo ku sugan goobta banaan baxa ayaa sheegyau in maanta la isugu soo baxnay in dunida loo muujiyo inaaneey Soomaalidu ogoleyn kala qeybinta dalka.
khudbooyinka masuuliiinta Dowlada wararkeena kale ayaad kaga boga doontan madaama wali banaanbuxu socdo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
