MASAGAWAY (DAYNIIILE.COM)-Milatariga Somalia oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa goor dhaw la wareegay gacan ku heynta Magaalada Masagawaay ee Gobolka Galgaduud.

Khaliif Cumar Macallin Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa u sheegay warbaahinta Dowlada inay Alshbaab ka saareen Magaalada Masagawaay.

Advertisement

“Waa run waan xoreynay Masagawaay waliba meelo kale yaad maqli doontaan inaan xoreynay”ayuu yiri Khaliif Cumar Macalin Nuur.

Magaaladaan oo ah halka uu qabiil ahaan ka soo jeedo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh  ayaa 1-dii Janayo ee sanadkaan laga saaray Alshbaab bale maalmo kadib ayay dib u qabsadeen taasoo muujineysa inay sanad maalmo yar dhiman ay haysteen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSulub Axmed Firin oo ugu Hambaleeyay Ciidamada maalinta Booliiska
Next articleMadaxweyne Xasan “waxba kama jiraan cabsida dadka lagu beerayo iyo dikteetarbaa sameysmaya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here