Tuulada kutaala Wadanka Gaana oo layiraahdo Jadebri oo ay kunoolaayeen Dad aan Muslim ahayn ayaa Marqura waxaa Diinta Islaamka aqqtey in kabadan 210 Qof.

Warbaahinta Dalkaasi ayaa arinkaan Siweyn u hadal haaya amaba layaaban Dadka u dhashey wadankaas sida ay marqura ay uqaateen tira intaasi la eg.

Midkamid ah Muuqaalbaahiyaasha Wadanka Gaana ugu caansan oo layiraahdo Dokin Karfe ayaa waxaa uu soo bandhigey Sawirada aad halkaani ka aragtaan.

Alle wixii uu doonaa aad ayey ugu sahlantahay waxaana Arintaani ay tahay tii ugu Xiisaha badneyd oo ka dhacda Qaarada Afrika iyo Guud ahaamba Caalamka gaar ahaan Qaarada Afrika 50 Sano ee la soo dhaafey.

Guud ahaa Tiradada Dalka Gana ayaa gaareya in kabadan 30,000,000 oo qof, waxaana markii boqoleyda la yiraahdana waxaa ay yihiin 17.6% waxaana marba marka kadambeysa si aan caadi ahayn u soogaleya Diinta Islaamka.

Kooxaxa Tirakoobyada ayaa waxaa ay sheegeyaan in 10 Sanno ee soo aadan ay aad u kordhi donaan Dadka Muslimiinta ah ee Dalkaas ayana gaaridoonaan in kabadan 25%.

 

Opera News: waxaa Soo turjumey C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here