Mudane ka tirsan Baarlaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Nuurdiin Col-u-joog ayaa la soo warinayaa inuu iska dhiibay mid ka mid ah Dalalka Yurub.
Xildhibaankan wuxuu isku diiwaan geliyay inuu yahay qaxooti cusub madaama hadii uu sheegto xikiisa aan la qaabileyn.
Wararku waxay intaas ku darayaan inuu waqtiyadii u danbeysay uu ku sugnaa Magaalada Nairoobi oo uu ku diyaarsanayay safarka uu ku tagay Yurub.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dalka uu iska dhiibay Talyaaniga,German iyo Britain inkastoo aysan cadeyn dalka Yurub ka tirsan uu sida rasmiga ah isaga dhiibay .
Xildhibaankaan oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somalia ayaa dhana kale ka maqnaa kulamadii ugu danbeeyay ee Baarlamaanka Somalia.
XAFIISA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
