Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo ku aadan khasaaro baaxad leh oo ka dhashay dagaal saacado badan qaatay oo shalay ilaa xalay fiidkii soo gaaray oo Al Shabaab iyo ciidamada huwanta ah ku dhexmaray deegaanka masajaid cali guduud.

Al shabaab ayaa laga dilay amiiro la sheegay inay dagaalka soo geliyeen,iyadoo qaarkood duqeymo diyaaradeed lagu beegsaday udhinteen markii sawaariikh ay ugu tagtay goobo ay kusugnaayeen.

1: Waxaa Al Shabaab la sheegay in Dagaalkii shalay Looga Dilay Amiirkii Ugu Sareeyay Kooxda Dhanka Gobalka Sh/dhexe Gaar Ahaan deegaanka Masaajid Cali guduud Oo Lagu Magacaabayay Cabdullahi Muxudiin

2: Amiirkii kooxda al shababa Uqaabilsanaa Beel Kamida Beelaha Deggan Masaajid Cali guduud Oo Lagu Magacaabayay Cabdullahi_Cali_caraaye Ayaa Sidoo Kale Weerarad Duqeynta Ah Lala Bartilmaameedsaday Sida Aan Xogta Ku Helnay,caraaye ayaa dhawaan kasoo muuqday video ay shabaab baahiyeen isagoo leh waxaan difaaceynaa deegaanka iyo diinta.

3: Sidoo Kale Waxaa Goobta Lagu Dilay Nin lagu magacaabo Cabdullahi_Afmadoobe Oo Ahaa Sarkaal Sare Oo Katirsan Kooxda Al Shabaab Siweyna Looga Yaqiinay Deegaanka masaajid cali guduud Kaasoo Ku baxay Gacanta ciidamada huwanta ah ee shalay weeraray halkaasi.

4: Macalin Caadeey Oo Al Shabaab Dadka Xoolaha Uga Qaadi Jiray Una Yaqaanaan Dhankooda “Madaxii Zakawaatka” Ayaa Kamida Xubnaha Muhiimka Ah Ee Kooxdu Ku Weysay Dagaalka.

5: Ibrahim wehliye Oo Sidoo Kale Kamid Ahaa Kooxda Al shabaab Ayaa Isaguna Dhaawac Xoogan Uu soo Gaaray Waxaana Lageeyay Dhaawiciisa Degmada Aadan Yabaal Ee Gobalka Sh/Dhexe Halkaas Oo Lagula Tacaalayo Xaaladiisa Inkastoo Wararka Qaar Ay Sheegayaan In Uu Ugeeriyooday Dhaawicii Balse Warkaas Ma sugno.

Al shabaab ayaa hadda kusugan Masaajid cali guduud balse waxaa la sheegay duqeymo culus saaka oo axad aheyd diyaaradaha ku garaaceen ayna jiri karaan khasaaro kale inay geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here