Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirada iyo magacyada askartii jabisay amarkii Dowlada ee ahaa inaan xabado loo ridin xuska 26-ka June oo ah maalintii Calan Sonmaiyed la taagay islamarkaana gobolada waqooyi ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.
Taliyaha qeryta Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi Muumin ayaa soo bandhigay warbixintaan qeexeysa sawirada iyo magacyada askarta amarka jabisay waxayna u qorneyd sidan:-
Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga Caasimadda ayaa lagu soo qabtay 17 Ruux oo ay Ku Jiraan Askar iyo Shacab, kuwaas oo ku eedeeysan inay jebiyeen amarkii mamnuucayay in rasaas lagu rido dabaaldegyada maalmaha xorriyadda.
Baaritaan socda ayaa lagu ogaanayaa khasaaraha ka dhashay rasaastii xalay si sharci-darro ah loo riday, Eedeysanayaasha waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Sidoo kale, hay’adaha amniga ayaa baadi-goobaya tiro kale oo la tuhunsan in ay xerooyin Ciidan ka rideen rasaas.





























