Magacyada mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Gedo oo isku dhiibay Al-Shabaab

Al-Shabaab oo weli dagaal xoogan ka wada gudaha Soomaaliya ayaa baahisay magacyada xubno ka tirsanaa maamulka gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegtay inay isku soo dhiibeen kooxdaasi.

Mas’uuliyiinta isku dhiibay Al-Shabaab ayaa dhammaantood waxa ay ka mid ahaayeen maamulka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab raggaasi ayaa gaaraya illaa afar xubnood oo guddoomiye waaxeedyo iyo ku xigeenno ka ahaa maamulka maamulkaasi.

Magacyada ka aqriso hoose:

Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8-aad ee Beledxaawo

Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda 7-aad ee Beledxaawo

Cabdiweli Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7-aad ee magaalada Beledxaawo

Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8-aad ee magaalada Beled Xaawo.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan xubnahaasi la sheegay inay isku dhibeen Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobolka Gedo oo ay weli ku xoogan tahay, mana muuqdo qorshe looga saarayo guud ahaan gobolkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064