Howlgal duqeyn diyaaradaha dagaalka ah oo lagu laayay Saraakiil Alshabaab ka tirsan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay Tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlalka waxaa la sheegay inay fududeeyeen ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ,waxaana wararka horu dhaca sheegayaan in saraakiil iyo Nabadoono Alshabaab ka tirsan ay ku dhinteen weerarkaasi inkastoo Dowladu shaacin faah- faahin dheeraad ah.
Weerarka Saraakiisha Alshabaab lagu laayay waxaa uu dhaca xili u fadhiyeen shir ka dhan ah Dowlada iyo ciidamadeeda sida ay sheegtay warbaahinta Dowlada Somalia.
Dhanka kale warar madax banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in weerarkaani lagu dilay ilaa 5 Saraakiil iyo Nabadoono isugu jira kuwaasoo dhamaantood Alshabaab ka tirsan,waxaana magacyadoo lagu kala sheegay sidan:-
1-Macalin Caadeey oo ahaa Madaxa Zakawaadka Degmada Masaajid Cali-Gaduud u
2-Sheekh Muxumed oo ah Qaaligii Degmada Masaajid Cali Gaduud .
3-C/raxmaan Dhageey Nabadoonkii Beesha Cabdule Galmaas lana shaqeynayay Alshabaab
4-C/laahi Macalin Gudoomiyihii Deg.Masaajid Cali Gaduud
5-Cali Macalin Xasan Garbowd.
2-Sheekh Muxumed oo ah Qaaligii Degmada Masaajid Cali Gaduud .
3-C/raxmaan Dhageey Nabadoonkii Beesha Cabdule Galmaas lana shaqeynayay Alshabaab
4-C/laahi Macalin Gudoomiyihii Deg.Masaajid Cali Gaduud
5-Cali Macalin Xasan Garbowd.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
