TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Dalka Iiraan oo maalintii labaad dagaal ku jira ayaa sheegaya in mar kale israa’iiliyiintu maanta dileen saynisyahano u dhashay dalka Iiraan.
Saynisyahanada maanta laga dilay Iran oo tiradooda lagu sheegay sedex ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ali Bakayi Karimi, Mansour Askari, and Saeed Borj.
Sidoo kale Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa maanta duqeeyay Garoonka Diyaaradaha ee Mehrabad Airport ee dalka Iran halkaasoo sawir laga helay uu muujinayo burburka ilaa shan diyaaradood oo rayid ah.
Dhankooda diyaaradaha dagaalka Iiraan waxay ku guuleysteen duqeynta iyo xerista qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha ee Israa’iil iyo waliba dekado tan iyo markii uu qarxay dagaalka.
Sidoo kale Hogaamiyaha Iiraa Khumeyni ayaa la soo sheegayaa inuu Majid Mousavi u magacaabay taliyaha cirka ee ciidamada ilaalada kacaanka taasoo qeyb ka ah kordhinta mooralka ciidamada madaama dagaal ay ku jiraan.
XAFIISKA WARARKASIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
