HomeCiyaarahaMaguire oo weerar afka ah kabaha kula dul-maray Ruben Amorim

Maguire oo weerar afka ah kabaha kula dul-maray Ruben Amorim

XIGASHO LAACIB.NET

Daafaca Manchester United, Harry Maguire, ayaa dhaleeceyn u jeediyay qaabkii ay kooxdu u ciyaari jirtay xilligii uu tababare Ruben Amorim joogay, isagoo ku dooday in kooxdu ay hadda aad uga wanaagsan tahay sidii hore tan iyo markii uu la wareegay Michael Carrick.

Maguire oo hadlayay ka dib guushii 2-1 ahayd ee ay ka gaareen Brentford, ayaa sheegay in markii uu Amorim joogay ay ciyaaruhu inta badan ahaan jireen kuwo labada dhinac isku dhow (50/50), balse ay mar kasta ku dambeyn jireen guuldarro. “Markii uu Ruben Amorim halkan joogay, ciyaaruhu waxay ahaayeen 50/50… laakiin mar kasta waxay noogu dhammaan jirtay guuldarro,” ayuu yiri Maguire.

Wuxuu intaas ku daray in Manchester United ay hadda aad uga horumartay dhanka difaaca iyo weerarkaba, iyagoo si fiican u difaacda goolkooda, dhanka kalena ka faa’iideysta fursadaha ay helaan. Isbeddelkaas ayuu ku tilmaamay sababta ay natiijooyinka wanaagsan u helayaan hadda, iyagoo dhowaan ka soo adkaaday kooxaha Chelsea iyo Brentford.

Manchester United ayaa hadda fadhida booska saddexaad ee horyaalka iyadoo leh 51 dhibcood, waxayna saddex dhibcood ka sarreeyaan Liverpool oo ay wajihi doonaan toddobaadkan. Maguire ayaa aaminsan in degenaanshaha iyo hufnaanta uu keenay Carrick ay tahay midda dib u soo celisay kalsoonidii ciyaartoyda.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -