HomeWarkiiMahad Salaad iyo Qoor-Qoor oo heshiis ka gaaray is aham-daradii soo kala...

Mahad Salaad iyo Qoor-Qoor oo heshiis ka gaaray is aham-daradii soo kala dhex gashay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegaya inay Magaalada Muqdisho ku kulmeen xili sanadihii ugu danbeeyay uu jirey khilaaf labadooda ka dhex taagnaa .

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Agaasime Mahad Maxamed Salaad waxaa la sheegay inay Galabta si rasmi ah uga heshiiyeen khilaafkii jirey inkastoo aysan warbaahinta la hadlay,sidoo kalana aan si rasmi ah loo ogeyn qodobada ugu adkaa ee ay ka heshiiyeen madaama laga war hayo in Mahad Salaad u taagan yahay musharaxnimada xilka Madaxweynaha Galmudug.

Inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Mahad Salaad ka tanaasulay musharaxnimadiisa Galmudug hadana wararka ku dhaw dhaw kulankooda waxay sidoo kale uga wada hadleen xaaladda guud ee dalka marka la eego dhanka amniga madaama Mahad Salaad yahay ninka ugu sareeya sirdoonka Dalka waxaa kala dhexeeya Qoor-Qoor  wada shaqeyn dhanka amniga ah.

Kulanka labada masuul iyo is marxabeyntooda waxay ku soo aadeysa xili ay soo dhaawatay doorashada madaxweynaha ee Maamulka Galmudug.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -