HomeWarkiiMahad Salaad oo amar ku bixiyay in degdeg loo baaro kiiska...

Mahad Salaad oo amar ku bixiyay in degdeg loo baaro kiiska Dilka Sarkalkii NISA Abukar Muxudiin

Habeen ka hor Kooxo hubeysan ayaa Degmada Hodan ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka kaasoo lagu magacaabi jirey Abukar Muxudiin oo reer ahaana ay jufo hoose isla yihiin Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.
Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa la soo sheegayaa inuu gor dhaw amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dilka sarkaalkaasi oo waqtigii la dilayba loo qabqabtay saraakiil lala xiriirshay dilkiisa.
Abukar Muxdiin wuxuu ku magacownaa Agaasinka Sirdoonka ee caasimadda waxaana dilkiisa uu dhacay habeen hore oo jimco ay soo galeysay xili waliba la sheegay inuu ku jirey kiis koox alshabaab ka tirsan lagu raad joogay.
Dilka sarkalkaan shakiyo badan ayay muujinayan oo salka ku heysa in la shirqoolay sarkaalka oo waliba dad dowlada ka tirsan ay dilkiisa ku lug leeyihiin waaba hadii sida uu ku dhintay ee la faafiyay ay run tahay taasoo ah in isaga howlgal ku jira la dhaawacay kadibna isagii oo dhan la waayay kadibna mar danbe meydkiisa meel laga helay taasoo tuhun  badan dhalisay Alle un-baana garanaya waqti xadirkaan cida ka danbeysa dilkiisa.
Raga Baarista loo xilsaaro ayayna ku xiran tahay inay arinta sidii Ikraan ka dhigaan taasoo ahayd far isku tag taag oo ugu danbeyna ku soo dhamaatay baaris fashilantay lamana oga in siyaasadi sidaa ka dhigtay.
Hadii ay dhacdo in baaristu dabada la gasho sidii Ikraan oo kale oo ilaa hada aan cidna loo maxkamadeyn waxa jirta tuhuno dadka soomaaliyeed qabaan oo ah wixii hay’adaha Dowladu xal u waayaan in shisheeye uu ku lug leeyahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
May be a black-and-white image of 1 person, beard, smiling and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -